Video: Ra’iisul Wasaare kheyre oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii Shalay

963

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Xalay Isbitaallada Muqdisho ku booqday Dadkii ku dhaawacmay qarixii Shalay lala beegsaday Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga.

Ra’iisul wasaaraha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn Tacsi u diray eheladda Dadkii ku Naf-waayay weerarkii isqarxinta ahaa ee Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta wasaarada arimaha gudaha iyo tan amniga ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada dalka gudhihiisa aan waxba looga qaban karin ay Dowladdu u qaadayso Dalka dibeddiisa.

Ugu dambeyn Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan sidii amni loogu soo dabaali lahaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.