Madaxweynihii hore ee wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo muuqaalo soo baxay lagu xaqiijiyay in la dilay – UM

1308

Mogadishu – (UM)

Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalix ayaa la xaqiijiyaya in lagu dilay magaalada Sanca, sida aynu ka soo xiganay raadiyaha wasaaradda arrimaha gudaha Yemen, oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiita.

Xisbiga Saalix ayaa sidoo kale xaqiijiyey in hoggaamiyahooda la dilay. Ilo-wareedyo ku dhow Saalix ayaa taleefishinka Aljazeera u sheegay in madaxa kooxda qaabilsan sugidda ammaanka Salah, Hussei al-Hamidi sidoo kale la dilay.

Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalix oo ka baxay magaalada Sanca ayaa gaadiidkiisa wadada loo galay, waxaa la socday kaaliyaha xogheyaha guud ee xisbiga Yaasir Cawaadi, General  Cabdalla Maxamed qowsi iyo wiilkiisa Khaalid Cabdalla Saalix.

Markii ay soo gaareen tuulada Jaxshi oo u dhaw Sanca ayaa waxaa soo weeraray labaatan gawaaridda gaashaaman ah oo Xuutiyiintu wateen, kadibna waxaya warkaku intaa ku darayaan in nolosha lagu  qabtay Cali Cabdalla Saalix, isla markaasna  gaariga laga soo dagay, kadibna ay kooxaha Xuutiyiintu Madaxa toogasho ku dileen. Waxaa sidoo kale la dilay kaaliyaha ururka halka wiilkiisa Khaalid oo dhaawac ah la afduubtay!

warku wuxuu intaa ku darayaa, in la la’yahay mas’uuliyiinta ka tirsan ururkii Cali cabdalla Saalax, Lama oga halka ay joogaan xogheyaha guud ee ururka Mu’tamar Caarif Zuuka iyo taliya ciidanka Dhaariq Saalix. Dilka Cali Cabdalla Saalax ay sheegteen xuutiyiinta ayaa ku soo beegmaya xilli ku dhawaad 20 Milyan oo Yemeniyiin ah ay wajahayaan xaalad billi’aadamnimo oo aad u daran oo ay ugu wacan tahay cunto la’aan iyo agabyadda kale ee nolosha.