Venezuela oo xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Mareykanka

898

Venezuela ayaa joojisay xiriirkii diblomaasiyadeed ay la lahayd Mareykanka, kaddib markii Mareykanku uu madaxweyne ku meel gaar ah u aqoonsaday Hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guiado.

Venezuela oo ka jawaabeysa aqoonsiga Mareykanku aqoonsaday Juan Guido ayaa diblomaasiyiinta Mareykanka u qabatay in ay 72 saac ay dalkeeda uga baxaan.

Xiisadaha dalka Vanezuella ayaa isa soo tarayay dhawaanahaan, waxaana ay xiisadu cirka isku sii shareertay markii madaxweynaha talada haya Nicolas Maduro uu ku guuleeystay doorasho muran badan ka dhashay.

Dadweyne aad u fara badan ayaa iskugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee caasimadda Caracas , iyaga oo dalbanaya in Madaxweyne Nicolas Maduro uu xilka iskaga dego.

Dadweynaha ayaa dab qabadsiiyay gawaari, iyada oo sidoo kalena ay gubeen walxo kale.

Ilaa iyo hadda todobo qof ayaa ku dhintay rabshadaha dalka Vanezuella.
Dhawaan ayaa waxaa ciidanka Vanezuella ay ka hortageen askar isku dayday in ay sameeyaan kacdoon ka dhan dowladda.
askartaas oo uu horkacayay sarkaal darajo dhexe ayaa la xiray kagadaal isku daygoowdii ay ku dalbanayeen in madaxweynaha dalka Vanezuela uu xilka iskaga dego.

Dalka Venezuela ayaa waxaa ka jira culeyso siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxaana dowladda heysa talada dalkaas oo u janjeerta dhanka bidixda ay ku eedeeysay Mareykanka iyo kooxo midigta ah in ay ka danbeeyaan.

Dalkaan dhaca koonfurta Ameerika ayaa waxaa ka jira nidaam hanti wadaag ah oo inta badan ay siyaasad ahaan isku diidanyihiin Mareykanka.

Ciidanka militariga Venezuela ayaa sheegay in ay garab istaageen madaxweyne Maduro.

Mareykan ayaa sheegay xiriirka diblomaasiyadeed uu la yeelan doona Venezuela iyada oo loo marayo xukuumadda madaxweynaha ku-meel-gaarka ah Juan Guaido.

Mareykanka ayaa sheegay in uusan aqoonsanayn nidaamka madaxweyne Maduro, waxa uuna sheeegay in madaxweynihii hore Nicolas Maduro uusan haysan awood sharci ah oo ku jabiyo xiriirka diblumaasiyadeed ee Washington.

Mareykanka sidoo kale sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin ku habboon in uu la xisaabtamo qof kasta oo khatar galinaya amniga iyo badbaada shaqaalaha ka hawlgalka Safaarada Mareykanka ee Venezuela.