Venezuela iyo El Salvador oo safaaradihii kala qaatay

541
Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro. Sawirka: EPA

Wasaaradda arrimaha dibadda Vanezuella ayaa axaddii sheegtay in ay dalka ka saareyso diploomaasiyiinta dalka ElSalvador , kaddib markii ElSavador ay dalkeeda ka ceyrisay safiirka metalayay Madaxweyne Nicolas Maduro oo ElSavador aysan aqoonsaneyn.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Vanezuella ayaa lagu sheegay in diploomaasiyiinta ElSalvador loo qabtay 48 in ay dalka uga baxaan.

Dhanka kale dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Nayib Bukele oo aan aqoonsaneyn Madaxweyne Nicolas Maduro ayaa sabtigii sheegtay in ay ka baaraandageyso sidii diploomaasiyiin ka socda hoggaamiyaha mucaaradka Vanezuella Juan Guiado loo keeni lahaa dalka ElSalvador.

Juan Guaido oo ah afhayeenka baarlamaanka ay ku xooganyihiin mucaaradka Vanezuella ayaa dastuurka dalkiisa u cuskaday in la wareego Madaxweynimo ku meel gaar ah maadaama sida uu sheegay Madaxweyne Nicolas Maduro uu dhacay doorashasii sannadkii 2018.

Juan Guido hoggaamiyaha mucaaradka Vanezuella ayaa taageero ka heysta dalal badan oo reer Galbeed ah oo uu ku jiro Maraykanka.

Tallaabada ay qaaday ElSalvador ee ay ku ceyrisay danjirihii Vanezuella ayaa imaanaysa todobaad kaddib markii Maraykanku uu kordhiyay sharciga ilaalinaya dadka u dhashay ElSalvador ee aan heysan sharciyada Maraykanka.

Muddo hal sano ah ayaa loogu daray in dawladda Maraykanka ay sii ilaaliso dadka u dhashay ElSalvador iyo dalal kale oon heysan sharciyada fasaxa in qofku ka shaqeyn karo gudaha Maraykanka.

Vanezuella ayaa ElSalvador ku eedeysay in ay xoojineyso tamarta dhammaatay ee Maraykanka ee lagu cunoqabateynayo dadka reer Vanezuella. Elsavador waxay noqotay maqaar saarka siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu sii yiri warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Vanezuella.

Nicolas Maduro hoggaamiyaha aaminsan afkaarta hanti-wadaagga ah ayaa Guido ku tilmaamay mid u adeegaya danaha Maraykanka oo doonaya in uu xukunka ka tuuro.

Dalalka inta badan dariska la ah Vanezuella ayaa xiriirka u jaray dawladda Madaxweyne Maduro,waxaa se wali uu ku badbaadayaa taageerada ciidanka iyo xulafadiisa caalamiga ah sida Ruushka, Shiinaha iyo Cuba.