Ustaraaliya oo laba Wariye kala soo baxday Shiinaha ‘khilaaf diblomaasiyadeed awgiis’

579
Bill Birtles iyo Mike Smith waa labo Wariye oo kala tirsan Idaacaddaiuo Telefishinka Australia ee ABC iyo Wargeyska AFR.

Laba warbaahin oo dalka Australia laga leeyahay ayaa weriyayaashooda ka kala soo baxay Shiinaha sababo ay ku sheegeen isqabqabsi diblomaasiyadeed oo labada ah.

Bill Birtles oo ka tirsan Idaacadda iyo Telefishinka ABC iyo Mike Smith oo ka tirsan Wargeyska dhaqaalaha ka faallooda ee AFR ayaa ka degay magaalada Sydney maalintii talaadada.

Masuuliyiinta Shiinaha ayaa su’aalo waydiiyey labada ninba intaysan dhoofin. ABC-da ayaa soo warisay in Birtles “aan wax laga weydiinin warbixintiisa ama dhaqankiisa Shiinaha”.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Australia Marise Payne ayaa sheegtay in saraakiisha qunsuliyadaha ay caawiyeen labada wariye – oo ahaa wariyeyaasha kaliya ee warbaahinta Australia u joogay Shiinaha.

“Safaaradeena Beijing iyo qunsuliyada guud ee Shanghai waxay la shaqeysay mas’uuliyiinta dowlada Shiinaha si loo hubiyo badqabka oo ay ugu laabtaan Australia,” ayay ku tiri qoraal ay soo saartay Talaadadii.

AFR ayaa soo warisay in mas’uuliyiinta Shiinaha ay su’aalo ku saabsan weydiiyeen suxufiyiinta Cheng Lei, oo ah weriye u dhashay Australia oo u shaqeeya warbaahinta dowladda Shiinaha oo xiran tan iyo bishii hore.

ABC-da ayaa soo warisay in dublamaasiyiinta Ustaraaliya ay kula taliyeen Mr Birtles iyo maamulka ABC todobaadkii hore inuu ka tago Shiinaha. Ka dib waxaa laga dalbaday duulimaad uu kaga tagayo Beijing Khamiistii la soo dhaafay.

Laakiin xaaladdu waxay cirka isku shareertay Arbacadii la soo dhaafay saqbarkii markii toddobo sarkaal oo booliis Shiine ah ay ku booqdeen guriga weriyaha isagoo casho sagootin ah la qaadanayay asxaabtiisa, ABC ayaa werisay.

Saraakiishan ayaa u sheegay Mr Birtles inuusan ka bixi karin dalka, hadhowna su’aalo laga weydiin doono “kiiska amniga qaranka”, ayaa lagu yiri warbixinta.

Wuxuu isla markiiba la xiriiray saraakiishii qunsuliyadda Australia, oo ay soo u tagewn una kaxeeyeen safaaradda Australia, halkaas oo uu ku sugnaa afarta maalmood ee la soo dhaafay.

Xiriirka Australia iyo Shiinaha ayaa xumaaday sanadihii la soo dhaafay.