Ururka ONLF oo xafiis rasmi ah ka furatay magaalada Addis Ababa

664

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta laga furay Xafiiska Ururka ONLF.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda ugu saraysa Ururka ONLF oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Xafiiskan Ururka ONLF Addis Ababa ka furtay ayaa la filayaa ayaa la sheegay inuu isku xiri doono ONLF iyo Dawladda Fadaraalka  Itoobiya. sidoo kale Xafiiskan ayaa la sheegay inay hoos iman donaan howlihii arrimaha dibadda ee ururka ONLF.

ONLF ayaa horey intii aanay wadahadlka la qaadan dowladda Itoobiya, kadib isbedeladda uu la yimid Abiye Axmed, waxay Xafiisyadooda ugu badan ku yalaan dalalka reer galbeedka.

Ururka ONLF ayaa hadda Xafiisyo ku leh meelo badan oo degaanka Soomaalida ka mid ah, waxaana ugu dambeeyay Xafiiska Addis Ababa oo ay maanta daah fureen.