Guddoomiyaha Uruka Midowga Africa Moosa Faki Maxamed ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka hortagto faragalin shisheeye oo uu sheegay in lagu hayo Soomaaliya.
Kadib kulan ku dhexmaray isaga iyo R’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre xarunta Ururka Midowga Africa ee Addis Ababa ayuu sheegay in faragalinta shisheeye ee lagu hayo Soomaaliya ay tahay mid majaxaabineysa dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.
Sidoo kale Mr Faki ayaa sheegay in faragalinta shisheeye ay dhabar jab weyn ku tahay dadaalka Ciidamada AMISOM ay ugu jiraan sidii loo xasilin lahaa ammaanka guud ee Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarada ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka sameysay arrimaha siyaasada, dhaqaalaha iyo amniga.
Guddoomiyaha Ururka Midowga Africa ayaa ku amaanay dowlada Soomaaliya dadaallada ay ugu jirto sidii ay u sameyn laheyd siyaasad ku dhisan wadajir iyo midnimo, baahinta nidaamka Federaaliisamka, xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta intaba.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahaceliyay Midowga Africa sida ay ugu go’an tahay in la soo celiyo nabadii iyo kala dambeyntii Soomaaliya