Urur Goboleedka IGAD ayaa bogaadiyay heshiiska ay magaalada Dhuusamareeb ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.
Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD, Maxbuub Macalin ayaa bogaadiyay heshiiska DHuusmaareeb ee oggolaaday in Ciidamada Ahlu Sunna ku biiraan dowladda Soomaaliya.
Maxbuub ayaa sheegay in tallaabadan ay dowladda dhexe u oggolaaneyso in ay la wareegto amniga Soomaaliya.
Waxaa uu dhinacyada ku heshiiyay Dhuusamareeb ku tilmaamay kuwo qaatay go’aan muhiim ah,waxaana uu bogaadiyay wadahadallada ka socda Galmudug ee u dhaxeeya dowladda Dhexe, Galmudug iyo Ahlu Sunna.
Maamulka Ahlu Sunna ayaa dhawaan oggolaaday in ciidamadooda lagu daro dowladda Federaalka islamarkaana amniga Dhuusamareeb ay la wareegto dowladda Federaalka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda diiwaangelisay Ciidamada Ahlu Sunna waxaana ay ku dartay Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kuwaas oo ay xuquuqdooda ballanqaadday.