Mandhera Kenya (UM)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF, ayaa maanta oo Khamiis ah soo saartay warbixin ay kala hadlayso xaaladda Carruurta Caalamka.
UNICEF, ayaa sheegtay in xaaladda Carruurta Ku nool dalalka ay colaaduhu ka jiraan ay mid aad u liidata oo la iska indho tiray.
Waxaa ay sheegtay in Carruurta Ku nool dalalka Suuriya, Ciraaq, Myanmar, South Sudan iyo Yemen ay yihiin kuwa ugu badan ee la dhibaateeyay.
Dhibaatooyinka Carruurta lagula kacay waxaa ka mid ah bay tiri UNICEF Kufsi, Jirdil, Afduub, Qasab oo lagu guursado iyo kuwo kale.
Carruurta dalalka rabshaduhu ay ka oogan yihiin ayaa sidoo Kale Hay’addu waxaa ay tilmaantay in nafaqo daro xoogan ay wajaheen.
UNICEF, ayaa dhinacyada Ku lugta leh colaadaha dalalka Yemen, Suuriya, Koonfurta Suudaan iyo Myanmar Ku eedaysay inay Ku lug leeyihiin gabood-falo lagu kacay carruurta.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo
Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayay Hay’adda UNICEF waxaa ay sheegtay in sanadka dhammaadka ah ee 2017-ka la barakiciyay carruur faro badan.
Warbixinta UNICEF, ayaa si gaar ah loogu xusay in gobalka Kasai ee dalka Congo laga barakiciyay carruur tiradooda Hay’adda UNICEF ay Ku sheegtay 850,000 ayadoo qiyaastii 350,000 carruur ah ay haysato nafaqo daro aad u xoogan.
Yemen
UNICEF, ayaa sheegtay in dagaalada 1,000 maalmood jirsaday ee ka taagan dalka Yemen ay Ku dhinteen 5,000 oo carruur ah halka 11 Milyan oo kale ay wajahayaan nafaqo daro aad u daran.
Koonfurta Suudaan
Hay’adda ayaa sheegtay in 2,300 oo carruur ah la dilay ama la dhaawacay tan iyo intii colaaduhu ay ka dilaaceen dalkaasi sanadkii 2013-kii.
In ka badan 19,000 oo carruur ah ayaa Gudaha dalka Koonfurta Suudaan lagu askareeyay sanadkan 2017-ka oo Kali ah.