UNICEF: Hal Milyan oo Carruur ah ayaa dhinta isla maalinta ay dhashaan

975

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka waxbarashada iyo Carruurta ee magaceeda loo soo gaabiyo UNICEF, ayaa warbixin ay soo saartay waxaa ay Ku sheegtay in 1M (Hal  Milyan ) oo carruur ah maalin walb aay geeriyoodaan maalinta ay dhashaan.

Hay’adda UNICEF, ayaa warbixinteeda waxaa ay Ku sheegtay in geerida halka Milyan ee carruurta ah ee halkii maalinba Caalamka ay ku geeriyoodaan isla maalinta ay dhashaan inta badan Sabah ay u tahay waxyaabo la xiriira dhanka dhalmada.

Ku dhowaad 1.6 Milyan oo carruur ah oo daafaha dunida Ku kala dhashay ayay UNICEF, waxaa ay sheegtay in ay awoodi la’yihiin inay nolashoodu ay dhaafto bisha ay dunida Ku soo biiraan.

80 boqolkiiba carruurta maalinta ay dhashaan geeriyooda ayaa waxaa sabab u ah Infekshan (infection) ay qaadaan muddada dhaliinka ama umusha, sida warbixinta lagu sheegay.

Carruurta dhowaan galka ah ee dalalka Pakistan, Central African Republic (CAR) iyo Afghanistan ayaa UNICEF waxaa ay sheegaysaa inay haystaan ugu yaraan muddo badbaado ah.

“iyadoo la eegayo inta badan geerida carruurta waxaa keena Xanuuno laga hor-tagi karo. Sida iska cad waan ku fashilanay badbaadinta carruurta dalalka Saboolka ah” waxaa maanta sidaasi ka dhawaajisay haweenayda madaxda ka ah hay’adda UNICEF ee la yirahdo Henrietta Fore.

Dhibaatadan ayaa waxaa sidoo kale loo aanaynayaa inay sabab u yihiin Collaadaha ka jira Caalamka, Saboolnimada baahsan iyo haweenka uurka leh oo aan helin taageerada ay u baahan yihiin mudda ubadka ay calosha Ku sidaan.