La-taliyayaal sare oo ka tirsan xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Britain Therasa May ayaa u sheegay wargeyska Sunday Times inay qorsheynayaan doorashada si loo badbaadiyo wadahadalka ka bixitaanka Yurub.
Ra’iisul Wasaare Theresa May ayaa qorsheynaysa in doorasho degdeg ah la qabto bisha November si ay u badbaadiso hogaankeeda, ayna uga hortagto in ay burburaan wadahadalada ku saabsan Ka bixitada Midowga Yurub ay kula jirto, sida uu qoray Wargeyska Sunday Times.
Warbixintaan ayaa imaanaysa maalmo kaddib markii hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ay diideen kulan ku dhexmaray magaalada Salzburg ee dalka Austria Ra’iisal Wasaraha Britain iyo hoggaamiyeyaasha Yurub qorshaha Britain ay ku doonayso in ay uga baxdo Yurub ee loo yaqaano Heshiiska saxda ah.
Qaadashada Qorshahaan, ayaa UK u ogalaanaya in gasho suuqa ganacsiga xorta ee Yurub, taasi oo yeelan doonto shuruuc guud iyo xeerar kale duwan oo dhanka warshadaha waa wayn ah haddii laga aqbalo. Qorshahaan ayaa sidoo kale soo afjari doono isku socodka xorta ah ee ka dhaxeeya waddamada Midowga Yurub.
Wargeyska Sunday Times ayaa la hadlay labo ruux oo taliyeyaal saresare u ah Ra’iisul Wasaare May, kuwaasi oo sheegay in ay qorshaynayaan in ay ku dhawaaqaan doorasho cusub oo guud si kalsooni dadweyne loogu helo wadaxaajoodka cusub oo lala galo Midowga Yurub.
Wargeyska oo soo xiganaya xubno ka tirsan Xaafiiskeeda, ayaa jariiradu sheegtay in Ra’iisul Wasaare May ay qorsheynayso sidoo kale in ay xilka iska casisho xagaaga soo socda.
UK ayaa haysata ilaa bisha March ee sandka soo socda in ay ku gaarto heshiis ay uga baxayso si buuxda Midowga Yurub. Balse dadka fallaynqeeya siyaasada Britain iyo xeeldheerayaasha dhaqaalaha ayaa sheegay in ay adagtahay in ay Britian heshiis dhamaystiran ka gaarto qorshaha ay uga baxayso gabi ahaan Midowga Yurub.