Boqortooyada Ingiriiska ayaa xayiraad dhaqaale kusoo rogtay muwaadiniin u kala dhashay Ruushka, Sucuudiga, Myanmar, Kuuriyada Waqooyi sida uu qabo sharci cusub oo dalka Britain uu ku ciqaabayo shakhsiyaadka ku lugta leh xadgudubyada ka dhanka ah bini aadanka.
Xoghayaha arrimaha dibadda Britain Domonic Raab ayaa sheegay in cunoqabateytaan dhaqaale lagu beegsanayo dadka ka dambeeyay xadgudubyada ka dhanka ah bini aadanka ee dhacay sanadahaan.
Cunoqabateynta ugu horreysa ayaa saameyn doonta 25 muwaadin oo u dhashay Ruushka kuwaa oo ku eedeysan silic dileyntii iyo qaarijintii garyaqaan Sergei Magintsky oo u dhashay dalka Ruushka.
Si la mid ah eedeysanayaasha Ruushka waxaa iyana xayiraad lagu soo rogay 20 muwaadin oo Sucuudiga u dhalatay, kuwaa oo ku eedeysan dilka wariye Jamaal Kashogi.
Qoraal ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Britain Dominic Raab ayaa lagu yiri ” Maanta dowladda Britain oo ka wakiil ah dadweynaha Britain waxay diraysaa farriin ah in gacan ku dhiiglayaasha kaligii taliyaasha, taageerayaashooda aysan dalkaa iska imaan doonin oo aysan hanti ma guurto ah gadan doonin, iyaga oo sidoo kalena aan u imaan doonin dukaameysi ama aan kula dhuuman doonin lacagtey soo xadaan.
Muwaadiniinta Sucuudiga ayaa waxaa ku jira Sacuud Alqaxtaani la taliye sare oo horay ugu ahaa boqortooyada Sucuudiga iyo Axmed Al Asiri taliye ku xigeenkii sirdoonka Sucuudiga oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka wariye
Jamal Khashoggi.