Boqortooyadda UK ayaa hadda noqday dalka ugu badan ee dhimashada cudurka Corona Fayras ee Yurub, sida ay muujisay tirooyinkii ugu dambeeyay ee dowladda.
29,427 oo dhimasho ah ayaa laga diiwaan geliyay guud ahaan dalka UK- tiradaasi oo Xoghayaha arrimaha dibadda UK Dominic Raab uu kuu tilmaamay ” musiibo wayn”.
Wadarta guud ee ugu dambeysay ee Talyaanigu hore u ahaan jirtay tan ugu sarreysa Yurub, waxay hadda tahay 29,315.
Laakiin khubarada ayaa sheegaya in ay noqon karto bilooyin kahor intaan la samayn isbarbardhig buuxa oo caalamka ah.
Talyaaniga iyo Ingiriiska labaduba waxay diiwaan geliyeen dhimashada dadka laga helay cudurka ‘coronavirus’.
Madaxa tirakoobka ee BBC Robert Cuffe ayaa sheegay in Britain ay si xawli ah ku gaartay tirada safmarka cudurkaan marka loo eego Talyaaniga.
Isagoo ka hadlayey warbixintii maalinlaha ahayd ee coronavirus, Mr Raab wuxuu yiri 29,427 ee qof dhintay waa”musiibo aad u weyn” dalka “weligiis ma arag… sidan oo kale, sidan.”