UK oo lagu soo rogayo xayiraado cusub oo lagu xakameynayo Fayraska Corona

594

Xeerarka xayiraado cusub oo lagu xirayo UK ayaa lagu wadaa in goor dambe oo maanta ah lagu dhawaaqo.

Magaalada Liverpool City ayaa la filayaa inay wajahdo xayiraadaha ugu adag iyadoo loo marayo nidaam cusub oo ah “saddex heer” ah, kaas oo u kala saari doona gobollada inay joogaan heer “feejignaan,” “sare” ama “aad u sarreeya”.

Laakiin Steve Rotheram, Duqa magaalada ayaa yiri “wax heshiis ah lama gaarin”.

Wadahadalladii u dhexeeyey hoggaamiyeyaasha heer Federaal ah ee ka jira meelo kale oo England ah iyo dowladda Westminster ayaa sii socda.

Liverpool waxay diiwaangelisay 600 kiis 100,000kii qofba hal qof toddobaadkii dhammaaday 6dii Oktoobar. Celceliska England wuxuu ahaa 74.

Magaalada Liverpool City waxaa kujira degmooyinka waa wayn ee Halton, Knowsley, Sefton, St Helens iyo Wirral, iyo waliba Liverpool.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaddidaadaha ayaa la filayaa goor dambe, iyada oo xakameynta cusub dib loo eegi doono bil kadib.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson wuxuu shir gudoomin doonaa kulanka guddiga xaaladaha degdega ah ee Cobra “si loo go’aamiyo xakameynta ugu dambeysa”.

Kadib wuxuu uga dhawaaqi doonaa isbeddelada Aqalka Baarlamaanka, ka hor inta uusan ka hadlin shir jaraa’id oo Downing Street ah galabta.

Ra’iisul wasaaraha waxaa la filayaa in ay ku weheliyaan shirka jaraa’id Chancellor Rishi Sunak iyo Madaxa Caafimaadka England Prof Chris Whitty.

UK ayaa noqotay dalka saamaynta ugu badan uu ku yeeeshay xanuunka Covid-19 marka loo eego dalalka kale ee Yurub.