UK: Hey’adda sirdoonka MI5 oo la wareegtay hogaanka la dagaalanka falalka xagjirnimada ee kooxaha midigta fog

552
Hey’adda sirdoonka MI5 oo la wareegtay hogaanka la dagaalanka falalka xaqjirnimo ee kooxaha Midigta fog ee UK. Sawirka: The Guardian

Hey’addaha sirdoonka waddanka Ingiriiska ee MI5 ayaa hadda iyo wixii ka dambeeya la wareegi doonta hogaanka la dagaalanka falalka xagjirnimo ee kooxaha cunsuriyiinta iyo midagta fog oo muddooyinkan dambe ay sii xoogeysaneysay dhaqdhaqaaq ay ku kiciniyaan xiisado sinjiyad naceyb ah, waxaa sidaa qortay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa waddanka Ingiriirska.

Baliiska UK ayaa hore ugu xilsaarnaa howlaha dabagalka iyo wax ka qabashada kooxaha cunsuriyiinta ah iyo kuwa midigta fog, balse isbedelkani cusub ayaa ka dhigan in hadda wixii ka dambeeya ay kooxahani isku qaanad gali donaan dambiyadda la xiriira falalka argagixisnimo ee kooxaha mayalka adage e Muslimiinta iyo falalka argagixiso ee la xiriira waqooyiga Ireland oo hore ay mas’uuliyad uga saarneyd boliiska.

Talaabadani fal dambiyeedyada kooxaha midigta fog ee UK loo hoos geeyay hey’adda sirdoonka ee MI5 ayaa timid kadib cabsida sii kordheysa ee kooxaha midigta fog looga filan karo falal argagixiso kadib markii dalka Mareykanka nin aaminsan afkaarta midigta fog ee ku dhisan naceybka uu bam ka sameysan tubo u kala diray shaqsiyaadka ka soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Donald Trump . Dadkaas bamka loo diray waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, iyo Haweynaydii la tartantay Madaxweyne Trump Hillary Clinton iyo siyaasiyiin caana oo ka tirsan xisbiga dimuquraadiga Mareykanka.

Ilaa iyo afar isku day falal nabadgelyo xummo ay UK ka malaageen kooxaha midigta fog ayay ka hortageen laamaha amniga ilaa iyo bishii Maarso ee sanadkii 2017 marka lala barbardhigo 13 isku day falal dambiyeed laga hortagay oo ay qorsheynayeen inay geystaan kooxo argagixiso Islaamiyiin ah.

Halista kooxaha midigta fog oo ka hortagooda loo xilsaaray hey’adda sirdoonka UK ee MI5 ayaa ku timid markii baaritaano kiisas ka badan boqol lagu ogaaday inay sii xoogeysanayaan falalka amni darro ee ay ku lug leeyiihiin kuna dhisan isir iyo-naceybka diimaha kale iyo sareysiinta midda cad.

Sannadkii 2016 ayaa nin ka mid ah kooxaha midigta fog wuxuu dilay xildhibaan ka tirsan barlamaanka UK oo lagu magacaabi jiray Jo Cox, waxaana dhacdadaasi xigay nin kooxaha midigta fo ka tirsan inuu jiirsiiyey gaari nin Muslim ah xilli uu ka soo baxayey masaajid. Waxaa sidoo kale laga hortagay isku day lagu doonayey in xildhibaan lagu dilo baangad, midaas oo keentay in laamaha amniga ay walaac ka muujiyaan inay kooxaha hagjiriinta ah ee midigta fog ay isku dayayaan inay xubno ku yeeshaan ciidanka iyo dad khibrad u leh arrimaha kumiyuutarada si ay u fulliyaan falal amni darro.

Madaxa ugu sareeya la dagaalanka argagixisada UK Neil Basu ayaa sheegay in kooxaha xagjirka ay ku soo badanayaan dhamaan dalalka reer Yurub isagoo intaa raaciyey in aanay shaki ku jirin inay saameyn ku yeelanayaan UK, isagoo xusay inay jiraan isku dayo ay kooxahani isku kaashanayaan.

SHARE