Uganda oo soo dhaweysay go’aankii Qaramada Midoobay ay ku kordhisay xilliga Joogitaanka Amisom ee Soomaaliya

757

Mogadishu (UM) – Dowladda Uganda ayaa si diiran u soo dhaweysay qaraarkii Qaramada Midoobay ay ku kordhisay maadheedka Ciidamada AMISOM ee ka howlagala Soomaaliya.

Afhayeenka milatariga Uganda RiChard Karemire oo wareysi siinayay Wakaaladda wararka ee Shinwaa ayaa sheegay in talaabadani ay taageereyso dadaalada iyo dagaalka Ciidamada AMISOM ay uga jiraan sidii ay u wiiqi lahaayeen awooda Xarakaada Al Shabaab.

Mr Karemire ayaa intaasi ku daray in qaraarkani sidoo kale uu Ciidamada AMIOSM u fududeynayo fulinta qorshaha  kala guurka, kaas oo Ciidamada AMIOSM ay ammaanka dalka ugu wareejinayaan Ciidamada Soomaaliya.

Golaha ammaanka ee QM ayaa Isniintii aynu ka soo gudubnay soo saaray qaraar lagu kordhiyay waqtiga Ciidamo ka socda dalalka nabad ilaalinta MidOwga Africa lageyn karo Soomaaliya oo ay gaarsiyeen 31 Bisha May ee sanada 2019 ka.

Sidoo kale qaraarkan ayaa qeexaya in la joojiyo dhimista Ciidamada AMISOM ee ka howlaya Soomaaliya, iyadoona isla Qaraar kan la mid ah uu sanadkii hore ka so baxay Golaha Aamanka, kaas uu faraya in si tartiib tartiib ah loo dhimayo Ciidamad AMISOM illaa iyo marka qeybta ugu dambeysa aay ka baxayso Soomaaliya.

Uganda ayaa ah dalka ay Ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo gaaraya  6000, kun oo askari oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.