Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ku geeriyooday Muqdisho

1075
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo Muqdisho ku Geeriyooday

Muqdisho – Allaha u naxariistee Waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa Ugaaska Beelaha Xawaadle.

Ugaas Xassan ayaa xanuunka Covid-19 ama Corona Fayras ugu geeriyooday magaalada Muqdisho. Ugaas Xasan ayaa ahaa nabadoon iyo oday Soomaaliyeed oo kaalin mugleh ka soo qqatay nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka, madaxda kale ee Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa geerida Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Allaha u naxariistee ka tacsiyeeyey.