Shirkadda iska leh barta bulshada ku xiriirto ee Twitter ayaa soo saartay sumado ama calaamado cusub iyo farriimo digniino ah kuwaas oo xog dheeri ah ka bixinaya farriimaha qaar ee ku saabsan cudurka Corona fayras ee barta Twitter-ka la soo dhigo. Farriimahaas ayaa mararka qaar aad loogu muransanyahay saxnimadooda, halka kuwa qaarna ay yihiin marin habaabin.
Shirkadda Twitter ayaa sheegtay in tallaabo ay qaadi doonto iyada oo cuskaneysa sadax qaybood oo loo kala qaybiyay qoraalada la soo dhigo.
Tan koowaad ayay shirkaddu ku sheegtay farriimaha marin habaabinta oo ay khubarada aqoonta u leh waxa laga hadlayo xaqiijiyeen in ay been yihiin sida shaqaalaha caafimaadka guud.
Labada kale ayay shirkaddu ku tilmaantay oraah lagu muransanyahay oo saxnimadeeda aad la iskugu khilaafay iyo mid aan sinnaba lagu xaqiinin karin in ay jirto iyo in kale oo run iyo beenba noqon karta hase ahaatee aan waqtiga la soo dhigayo caddeymo loo heynin.
Calaamado cusub ayaa loo sameyn doonaa xogaha la isku khilaafay iyo kuwa marin habaabinta ah.
Calaamadahaas waxay toos uga xirnaan doonaan bog Twitter-ku leeyahay oo ay ku keydsanyihiin macluumaadka dad khubaro ah oo ku saabsan arrimaha la xiriira cudurka Covid-19 ee qofku uu ka hadlay ama il kale oo aan Twitter ahayn taas oo lagu kalsoonaan karo macluumaad badan oo xaqiiqo ah ka heysa mowduuca qofku wax ka qoray.
Waxa kale oo barta Twitter ay qoraalada la soo dhigo la socodsiin doontaa farriimo digniin oo hadba la eg dhibaatada uu geysan karo qoraalku.
Digniinahaan ayaa dadweynaha ku wargalin doona in xogta la soo galinayo barta Twitter-ka ay ka hor imaaneyso ama ay khilaafsantahay hab raacyada khubarada caafimaadka, ka hor inta uusan qofku arag qoraalka la soo dhigay marka hore.
Tusaale: Waxaa soo boodaya farriin tilmaaneysa in Qoraalka hadduu yahay mid lagu muransanahay uu dhammaan ama qaar ka mid ah ay ka hor imaanayaan tilmaamaha ay bixinayaan khubarada caafimaadka, ka hor inta uusanba qofku furin qoraalka.
Shirkadda Twitter ayaa sheegtay in farriimaha dhaafa qabashada ee Twitter ay hab kale ula socon doonaan. Waxay kale oo shirkaddu tilmaamtay in khubaro bannaanka ay la kaashan doonaan farriimaha qaar.