Maxkamad Ku taala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa xabsi daa’in ku xukuntay 6 wariye oo lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen Af-gambigii dhicsoobay ee ka dhacay dalka Turkiga.
Wakaaladda wararka dalka Turkiga oo soo xiganaysa ilo dhanka maxkamadaha ayaa shaacisay in wariyaasha lagu xukumay xabsi daa’in.
Wariyaasha la xukumay ayaa waxaa ka mid ah Ahmet Altan, oo ahaa tifaftirihii guud ee wargayska Taraf, walaalkiis oo aqoonyahan ah oo lagu magacaabo Mehmet Altan iyo wariye caan ah oo la yirahdo Nazli Ilicak.
Wariyaasha ayaa wajahay eedaymo ay ka mid yihiin isku day ah in ay ridi rabeen xukunka dastuuriga ah ee dalka Turkiga.
Afgambigii dhicsoobay ee dalkaasi ayaa keenay in la xiro in ka badan 150 wariye.
Hay’adaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha u dooda xuquuqda wariyaasha ayaa cambaareeyay xukunka lagu riday wariyaashaasi.
Waxaa ay sheegeen in xukunka uu cadayn u yahay in adeega garsoorka dalka Turkiga uu yahay mid Ku jira gacanta xukuumadda Ankara.
With the life sentence for the journalists #AhmetAltan #MehmetAltan & #NazlıIlıcak, the Turkish judiciary and the regime that controls the judges ridicule themselves in front of the world #PressFreedom #Turkey pic.twitter.com/G9jnkmQfEW
— Christophe Deloire (@chrisdeloire) February 16, 2018