Suxufigan oo kamid ahaa mucaaridka Qoyska Boqortooyada ka arrimisa wadanka Sacuudi carabiya, ayaa u tagay Qunsuliyada Sacuudiga inuu kasoo qaato waraaqo balse waxaa la sheegay in halkaasi ku sugayeen sirdoonka Sacuudiga.
Sabtidii shalay ayey saraakiil u hadlay Booliiska Turkiga sheegeen inay hadda hayaan xog sheegaysa in suxufiga lagu dhex dilay Xarunta Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul, kadibna meydkiisa si qarsoodi ah looga saaray xarunta Qunsuliyada, sida ay baahisay wakaalada wararka ee Reuters.
Xogta ay baahisay illo wareedka Turkiga ayaa sheegaysa in dilka suxufigan lagu magacaabu jiray Khashoggi ay ahayd mid hore loo sii qorsheeyay isla markaasna ay saraakiil ka tirsan sirdoonka Sacuudiga ay ugu socdaaleen Istanbul kadib markii ay heleen warbixin ah in suxufigani tagi doono qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
Xog dheeraad ah oo la helayo ayaa sheegaysa in Wafdi ka socda Dowlada Sacuudiga oo ka kooban 15 qof oo aan xogtooda la hayn kasoo degeen magaalada Istanbuul isla maalintii suxufi Jamal Khashoggi la waayey.
Suxufi Jamal Khashoggi oo kamid ahaa muwaadiniinta Sacuudiga ee sida weyn u dhaliila Boqortooyada ayaa Salaasadii la waayey kadib markii uu Qunsuliyada u tagay saxiixitaanka waraaqo furiin ee xaaskiisa hore isagoo la sheegay inuu qorsheynayey inuu galo guur cusub.
Saraakiisha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul ayaa ku dooday in Jamal Khashoggi aan la qafaalan isla markaana uu xaruntooda ka tagay kadib markii uu dhameystay hawlihii uu halkaasi u tagay.
Dhaxal sugaha Boqortooyadda Sacuudiga Maxamed Bin Salaam ayaa dhankiisa sheegay ineysan waxba kala socon eedeynta loo jeediyay isagoo xusay in suxufigani uu ka tagay Qunsuliyadda kadib markii uu howlihiisa dhameystay. Wuxuu sheegay “Waan ku casuumeynaa Dowladda Turkiga inay gudaha u soo galaan dhismaheena, inkastoo xasaanad uu leeyahay, haddana waxba kama qabno inay soo galaan oo baraan.”
Madaxweynaha Turkige Erdoga ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo dhacdadani iyadoo la filayo inuu daaha ka rogo cadeymaha ay shegeen inay hayaan baliiska wadanka Turkiga midaas oo laga yaabo inay sii kala fogaysi xiriirka dublumasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Sacuudiga iyo Turkiga.
Turkiga ayaa hore uga soo horjeestay isbaaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee ka soo horjeeda wadanka Qadar, kadib markii ay ku dhawaqeen sanadkii la soo dhaafay inay go’doomin galinayaan wadanka Qadar oo ay ku eedeyeen inuu qalalaase ku hayo wadamada Khaliijka. Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalkii qaatay mowqifka dhexdhexaadnimo.