Turkiga ayaa xabsiga dhigtay labo basaas oo la tuhmayo in ay u basaasayeen Imaaraadka carabta.
Sarkaal sare oo ka tirsan hey`addaha amniga dalka Turkiga ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in heyaddaha ammaanka ay baarayaan xirriir ka dhaxeeya dilkii qunsuliyada Sucuudiga loogu geystay wariye Jamal Khashoggi iyo basaasiinta la qabtay.
Sarkaalka ayaa intaas ku daray in mid ka mid basaasiinta la daba socday muddo lix bilood ah ka hor inta aan la qaban. Basaasiintaan ayaa la sheegay in ay ku howlanaayeen xog uruurin ku saabsan siyaasiyiinta mucaaradka Carabta ah ee ku nool dalka turkiga.
Saraakiil Turki ah oo magacyadooda qariyay ayaa waxa kale oo ay sheegeen in lala wareegay computer xog qaris ah oo laga helay xaruun shakabada jawaasiista la tuhunsanyhay in Imaaraadka u shaqeynayeen ay ku lahaayeen magaalada Istanbul.
Hey’adahada amniga Turkiga ayaa tibaaxay in ay jiraan caddeeymo muujinaya in kooxdaan sida qarsoodiga uga basaaseysay dalka Turkiga jaaliyadda Carabta ee iskugu jirta ardyayda iyo mucaaradka in ay u shaqeeyaan hey’ada sirdoonka Imaaraadka.
Turkiga iyo Imaaraadka ayaan xiriirkoodu wanaagsaneyn tan iyo markii Imaaraadka iyo xulafadiisa ay go`doomin ku sameeyeen dalka Qadar oo si weyn oo loola xirrinayo inuu xiriir dhaw la leeyahay Turkiga.