Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in soo bandhigi doonto caddeymaha iyo runta ku saabsan dilka Suxifiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi’s killing, iyadoo ay sii kordhayso carrada iyo cambaaraynta caalamiga ah ka dhalatay jawaabtii Sacuudigu ka bixiyay dilka Khashoggi
Ilo ku dhaw Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay jariirada Middle East Eye in Madaxweyne Erdogan ay ka go’an tahay inuu doonayo in la shaaciyo dhammaan caddeynaha iyo sababta ka dambaysa dilka Khashoggi, arrintaasi oo mas’uuliyiinta Turkigu horrey u sheegeen.
Turkiga ayaa sidoo kale raadinaya in loo soo gacan galayo 15 nin ee looga shakisan yahay dilka Jamal Khashoggi si ay su’aallo u weydiiyaan.
” Turkigu waxa uu daaha ka rogi doonaa waxa kasta oo dhacay. Waanu qofka shaki ka gelin taa ,” Omer Celik waxa sidaas u sheegay wakaalada wararka Anadolu news agency masuul ka tirsan xaafiiska Madaxweyne Erdogan.
Turkigu waxa ay dhawr jeer sheegtay in ay hayso caddeymo ku saabsan dilka wariye Jamal Khashoggi oo maqal ah.
Sacuudiga ayaa jimcihii qiratay dilka Khashoggi, iyadoo sheegtay inuu ku dhintay dagaalka ku dhexmaray gudaha qunsuliyada isaga iyo shaqaalaha qunsuliyada balse sharaaxada Sacuudigu adduunku kuma qancin.
Sacuudiga ayaa horrey u beenisay in Suxufiga lagu dhexdilay qunsuliyada waxa ayna sheegtay in isaga oo bad qaba uu ka baxay.
Jamal Khashoggi oo ahaa Suxufi rugcadaa ah oo dhashay dalka Sacuudiga ayaa Lama tirsanaa Jariirada Washington post ee ka soo baxda Mareykanka ayaa 2 bishaan Oktoobar galay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul si uu warqado nikaax uga soo samaysto balse dib looma arag.
Mareykanka oo xullafo dhaw la ah Sacuudiga ayaa shaki ka muujiyay run ahaanshada jawaabta Sacuudiga ee dilka Jamal Khashoggi, waxa uuna sheegay inuu caddeymo lagu kalsoon yahay sugayo.
Jarmalka iyo waddamada kale ee Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay jawaabta Sacuudiga ka bixiyay dilka khaarajinta ah ee Jamal Khashoggi, iyagoo dalbaday caddeymo iyo baaritaan cadddaalad ah.