Turkiga iyo Imaaraadka ayaa sanado badan waxaa u dhaxeeyay xiisad ka dhalatay dagaallo ay ku kala taageerayeen kooxo iska soo horjeeda oo ku kala sugan Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.
Tallaabada Turkigu ku magacaabay danjiraha cusub ee Imaaraadka u fadhin doona ayaa muujineysa in xiisaddii labada dal u dhaxeysay ay qabowday oo ay muuqato isu soo dhawaasho aan buurneyn.
Danjiraha cusub ee Turkiga Tugay Tuncer ayaa la magacaabay 1dii bishaan May, waxaana ay taasi horseedi doonta in xiriirka dib loo soo celiyo.
Ankara iyo Abudhabi ayaa sanado si weyn iskaga soo horjeeday maadaama ay xasaradaha ka socda bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika labada dhinac ka kala istaageen.
Si gaar ah waxay labada dal Masar iyo Liibiya u kala taageeraan dhinacyo isdiiddan sida Ikhwaanka Masar iyo milatariga. Sidoo kale dawladda heshiis qaran ee Libya iyo Generaal falaagada ah ee Khalifah Haftar oo Imaaraadku taageero.