Dowladda Turkiga ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Maraykanka.
War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa waxaa shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo guud ahaan muwaadiniinta Turkida ah uga digtay inay u safraan dalka Maraykanka.
Warka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ka soo baxay oo digniinta ah ayaa loogu sababeeyay inay jirto baqdin dhanka ammaanka ah oo soo wajihi karta dadka Turkiga.
Waxaa warka tusaale ahaan loogu soo qaatay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Maraykanka gaar ahaan kuwii ka dhacay ama lagu qaaday Kambas jaacadeed oo Ku yaala gobalka Ohio, kii lagu qaaday masjidka Faaruuq iyo kaniisad Ku taala gobalka Texas ee dalka Maraykanka.