Dugsiga maanta xariga laga jaray ayaa waxaa dhistay Hay’ada dowladda Turkiga u qaabilsan gargaarka iyo hormarinta ee Tika waxaana loo dhisay in lagu soo saaro aqoon yahano Soomaaliyeed oo ka shaqeeya Hay’ada Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya.
Xaflad kooban oo xariga looga jarayay ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiiru Dowlaha Wasaaradaas, Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Masuuliyiin kale.
Madaxa Hay’ada TIKA oo ah hay’adda dhistay Iskuulada Qaalid Yilmas iyo maareeyaha Hay’ada Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi C/lle ayaa labadu sheegay in iskuulku muhiim u yahay hormarka hay’ada saadaasha hawada Soomaaliya.
Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Baker ayaa sheegay in dowladda Tukiga ay ka go’antahay inay hormarka Soomaaliya kaalin muhiim ah ka gaystaan islamarkaana ay dowladda Soomaaliya kala shaqeynayaan sidii Soomaaliya hormar buuxa u gaari lahayd.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee xukuumadda federal ka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga garab istaageeda bulshada Soomaaliyeed iyo waliba dowladda Soomaaliya.
Dhamaadka sanadkaan ayaa qorshuhu yahay in Soomaaliya ay dib ula soo wareegto Maamulka Hawadeeda ka dib ku dhawaad 30 sano oo ay ka maqneed gacanta Soomaaliya.