Turkiga oo muhaajiriinta dooneysa in ay Yurub gaaraan u diiday in ka galaan badda  dhanka Giriiga

718

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in aysan ogolaan doonin in muhaajiriinta dooneysa in ay Yurub gaaraan ay ka galaan badda  dhanka Giriiga. Amar ka soo baxay madaxweyne Erdogan ayaa lagu joojiyay in wax doon ah oo qaxooti sida ay Giriiga ka gashi dhanka badda Aegan .

Amarka Madaxeyne Erdogan ayaa imaanaya kaddib todobaad markii uu shaaciyay in uu xuduudda u furay qaxootiga doonaya in ay Yurub gaaraan oo Turkiga ku xayirnaa.

Midowga Yurub ayaa madaxweyne Erdogan ku eedeeyay in uu qaxootiga u isticmaalayo siyaasad , laakiin ay xuduudahooda ay xiranyihiin.

Dhinaca kale rabshado ayaa dib uga qarxay xuduudda Turkiga iyo Giriiga oo u dhaxeeya muhaajirinta iyo ciidanka Giriiga.

Turkiga ayaysan wali u muuqan in ay ka tanaasuleen go`aankoodii ahaa in ay ogoladaan qaxootiga si ay dalka Giriiga uga galaan dalalka kale ee midowga Yurub.

Sabtigii booliiska giriiga ayaa suntan dadka ka ilmeysiisa  ku riday muhaajiriin faro badan oo doonayay in ay kastanias ka galaan dalka Giriiga, muhaajiriinta ayaa ku jawaabay dhagaaxaan waxaana ay ku qaylinayeen xuduudda fura sida ay ku warrantay wakaaladda wararka AFP.

Ciidanka booliiska Giriiga ayaa Booliiska Turkiga ku eedeeyay in ay ciidankooda ku rideen suntan dadka ka ilmeysiisa.

Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa sannadkii 2016 waxay gaareen heshiis Turkigu ku joojinayo qaxootiga doonaya in ay Yurub gaaraan taa badalkeeda midowga Yurub waxa uu Turkiga siiyay dhaqaale ka caawiya qaxootiga faraha badan ay martigaliyaan.

Xiisad joogto ah oo u dhaxeysa Midowga Yurub iyo Turkiga oo la xiriirta arrimo badan ayse ugu dambeysay  duullaanka ay dawladda Suuriya ku qaadday gobolkii ugu dambeeyay ee mucaaradku heystaan ee Idlib halkaas oo lagu dilay askar Turki ah ayaa keentay in uu xumaado xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurub.

Turkiga ayaa dalkeeda waxaa ku sugan qaxooti gaaraya 3.7 Milyan  oo Suuriyaan ah, waxaana colaadda ka soo cusboonaatay gobolka Idlib ay sii kordhisay tirada qaxootiga soo gaaraya Turkiga.

Inkasta oo Midowga Yurub ballanqaaday in ay dhaqaale badan Turkiga siinayaan, haddana Turkiga ayaan la dhicin Midowga Yurub waana tan keentay in todobaadkii tagayay xuduudda furan oo xitaa ay qaxooti basas ku geeyaan meelo u dhow xuduudda Giriiga.

Giriiga ayaa Turkiga ku eedeeyay in ay u adeegsanaayan qaxootiga si ay  uga dhigaan cadaadis diploomaasiyadeed.

Giriiga ayaa qaadday tillaabooyin adag oo looga hortagayo qaxootiga, ciidanka ilaalada xeebaha Turkiga ayaa  ku eedeeyay ciidanka badda Giriiga in ay si ula kac ah doomaha u duleelinayaan si ay u dagaan. Turkiga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 97 muhaajiriin ah oo ciidanka Giriiga ay doonayeen in ay doonta la dajiyaan.