Turkiga oo Mareykanka weydiistay taageero milatari oo ku aaddan hawlgalka dalka Suuriya

730
Turkiga oo Mareykanka weydiistay taageero milatari oo ku aaddan hawlgalka dalka Suuriya. Sawirka: Reuters

Wargeyska Wall Street Journal oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Turkiga uu taageero  milatari oo ku aaddan dagaalka Daacish uu weydiistay Mareykanka. Taageerada Turkigu weydiisyaty oo ballaaran ayaa iskugu jirta weeraro dhanka cirka ah oo lagu taageerayo ciidanka Turkiga, saadka iyo daabulaada ciidanka Turkiag si ay usoo afjaraan haraadiga kooxda Daacish.

Sarkaalka magaciisa qariyay oo wargeysku soo xigtay ayaa tilmamay in aysan fursad Mareykanku ku wada aqbali karo codsiga Turkiga, wallloow taas laga yaabo inay tahay waxa Mareykanku uu doonayo.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa bishii December ee sannadkii hore waxa uu ku dhawaaqay in uu ciidankiisa uu kala baxayo dalka Suuriya kaddib markii uu sheegay in inta badan dagaalkii ka dhanka ahaa Kooxda Daacish uu dhamaaday ama la awoodoodii la wiiqay.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa isku raacay in ay si dhaw iskaga kaashadaan hawlagalada Suuriya si deegaanada uu ka baxo Mareykanka aysan gacanta ugu galin kooxaha hubeysan ee Suuriya.

Wadahadalo la xiriira dagaalka Daacish ayaa lagu wadaa in ay talaadada ka dhacaan dalka Turkiga, iyadoo oo ay ka qayb galayaan saraakiil Mareykan ah oo ku jiro la taliyaha dhanka amniga ee madaxweyne Trump John Bolton.

Mareykanka ayaa waxaa dalka Suuriya ka jooga ciidan gaaraya 2000 kuwaas oo taageero siiya ciidamo iskugu jira Carab iyo Kurdish oo dagaal kula jira kooxda Daacish ee ka dagaalka kula jira dowladda Suuriya.