Turkiga oo maanta soo bandhigaya caddeymaha dilka Jamal Khashoggi

788
Madaxweyne Erdon ayaa sheegay in Turkigu daah ka rogi doonaa caddeymaha ku saabsan dilka wariye Jamal Khashoggi. Sawirka: Reuters

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay shaacin doonto caddeymaha ku saabsan dilka Suxufiga u dhashay Sacuudiga ee Jamal Khashoggi.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu daaha ka roggi doono dhammaan caddeymaha ku saabsan dilka Suxufiga Jamal Khashoggi oo Oktoobar 2 dii markii ugu dambaysay galay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul dibna aan loo arag.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in dhammaan caddeymaha iyo waxyaabaha kale ee caddeynaya dilka Jamal Khashoggi maanta oo talaada ah la soo bandhigi doono, waxa uu ku tilmaamay ‘runta qaawan’ ee ku gadaaman dilka Khashoggi.

Sacuudiga ayaa sabtii qirtay dilka Jamal Khashoggi iyada oo sheegtay inuu ku dhintay dagaal gacan ka hadal ah oo qunsuliyada ku dhexmaray isaga iyo mas’uuliyiin ka tirsan boqortooyada Sacuudiga balse sharaxaada Sacuudiga ay ka bixisay dilka Jamal laguma qancin, waxana aduunku ka dalbaday sharaxaad dhab ah oo ku saabsan wixii ka dhacay Jamal Khashoggi.

Waxa la rumaysan yahay in sirdoonka Sacuudiga ay khaarajiyeen Jamal Khashoggi.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isaguna sheegay in uusan ku qancin sharaxaada Sacuudiga ay muhiim tahay in jawaab sax ah la helo.