Turkiga oo karaantiilay kumanaan Muslimiin ah oo xajka ka soo laabtay

239
Turkiga oo karaantiilay kumanaan Muslimiin ah oo xajka ka soo laabtay. Reuters

Dalka Turkiga ayaa kumanaan Muslimiin ah oo ka soo laabtay xajka waxay  geeyeen goobo lagu karaantiilo sababo la xiriira walaac laga qabo faafitaanka cudurka Carona.

Muuqaallo Tv ayaa muujinaya basas dadka xujeyda ah ka soo qaadaya garoonka diyaaradaha Ankara iyaga oo geynaya gudaha magaalada halkaas la dajinayo qolalka jiifka ardayda si loogu karaantiilo.

Turkiga oo ilaa iyo hadda laga helay lix kiis oo cudurka Corona ayaa ku dhaqaaqday tillaabooyin ay ku joojineyso in cudurku faafo sida xirirta dugsiyada waxbarasho, jaamacadaha ciyaaraha oo la qabto daawadayaal la’aan iyo hakinta duulimaadka dalalka badan.

Turkiga ayaa ahaa dalkii ugu dambeeyay ee dalalka dhaqaalaha leh ee lagu arko xanuunka Carona Virus kaddib markii dalkaas uu qaatay nidaamka  ay heyadda caafimaadk adduunku ku tilmaamtay heegan si loo daahiyo cudurka soo gaaristiisa dalka Turkiga.

Tillaabooyinka ugu dambeeyay ee dawladda turkigu ay ku karaantiileyso ayaa imaanaya markii uu wasiirka caafimaadka Turkiga Fehretin Koca uu ugu baaqay dadka ka imaanaya cumrada in ay iskood isku karaantiilaan maadaama mid ka mid ah dadkii horay xajka uga soo noqday todobaadkii hore laga helay cudurka oo noqday qofka lixaad.

Wasiirka ayaa barta Twitter-ka ku qoray in dhammaan dadka ka soo laabanaya cumrada la karaantiilay kuwa xanuunsanaya la geeyay isbitaal si loo baaro.

SHARE