Muqdisho – Wasiirka Caafimaadka ee Federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta oo ah guddoontay shixnad kaalmo caafimaad oo ka timid dowladda Turkiga si looga hortago xanuunka Corona Fayras.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yılmaz, ayaa wareejiyay kaalmada agabka caafimaad oo ay ku jiraan maaskaro afka lagu xirto, qalabka gacmaha la gashto, dareeraha jeermiska dila ee gacmaha lagu nadiifiyo, dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talo galay xirfadlayaasha caafimaadka iyo qalabka baaridda-caafimaad.
Deeqa caafimaad ayaa waxa kale oo ka mid ah qalabka neef-siinta (ventilators) oo qeybta daryeelka degdegga ah ee Isbitaalka De Martino ee Muqdisho loogu talagelay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga taageeradooda iyo garab-istaagooda Soomaaliya, isagoo aad u bogaadiyay kaalinta howsha bani’aadannimo ee weyn ee dunida ay ka geysanayaan xilligan oo dalalka intooda badan ay wajahayaan xanuunka dilaaga ah ee Corona Fayras.
Kaalmada caafimaad ee Turkiga oo huwanayd halkudhigga “rajo xumada waxaa ka dambeeya yididiilo weyn , mugdigana waxaa ka dambeeya qorax iftiin badan” ayaa ah nooceedii labaad oo muddo labo todobaad gudahooda lagu soo gaarsiiyo Soomaaliya, iyadoo la filayo in maalmo kadib Caasimadda Muqdisho ay ka degato diyaarad weyn oo sida sariiraha isbitaallada.
Turkiga waxa uu deeq caafimaad siiyay 33 dowladood oo uu ku gaarsiiyay diyaaradihiisa milatari ee xamuulka si looga hortago cudurka safmarka ah ee Corona Fayras.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 671 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Corona, oo ay ka mid yihiin 34 ruux oo bogsatay iyo 31 ruux oo u geeriyootay.