Turkiga oo irdaha u furaya muwaadiniinta 31 dal oo caafimaad doonaya

178
Turkiga ayaa shaacisay in ay irdaha u furtay muwaadiniinta 31 dal oo caafimaad doonaya. Sawirka: ( AA)

Turkiga ayaa ogolaan doonta in ay dalkeeda yimaadaan bukaanada 31 dal laga bilaabo 30-ka bisha May, xilli Turkigu doonayo sida wasaaradda caafimadku sheegtay dabcinta xayiraaddii uu sababay cudurka Corona Fayraska.

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday wasaaradda caafimaadka Turkiga ayaa lagu tixay shuruudaha kala ah aqbalidda bukaanada, soo galitaanka dalka, ogolaashaha isbitaalka, daweynta, ka bixidda isbitaalka iyo sharciyada iskaraantiilka ama isgooni yeelka.

Waxaa sidoo kale warqadda lagu xusay tallaabooyinka ay tahay in laga qaato bukaanada iyo dadka la socda ama wehlinaya.

Dalalka loo ogolaaday ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya, Jabuuti, Ciraaq, Liibiya, Algeria,Azerbaijan, Turkminstaan,Georgia, Ruushka, Nederland,Giriiga, Mecodonia,Albania, Bosnia Herzogovina,Kuwait, Baxrayn, Cumaan, Qadar, Pakistaan, Jarmalka, UK,Bulgaria iyo dalal kale.

Bukaanada u baahan daweynta dhaawacyada iyo jabka lafaha, qalliinka guud, iyo carruurta, xanuunada kaadi mareenka, cudurada indhaha, wadnaha iyo qaliimadiisa. Waxaa kale oo xusid mudan in cuduradaan soo socda dadka qaba ay ku jiraan kuwa loo ogolaaday.

Cuduradaan ayaa kala ah; qalliimada kansarka iyo saaridda burooyinka, qalliinka iyo bixinta burooyinka gala xubnaha taranka dumarka, la tacaalidda iyo ka hortaga kansarka, gubidda kansarka iyada oo la adeegsanayo shucaaca.

Bukaanada kale ee ka cabanaya cudurada maskaxda iyo neerfaha una baahan qalliimo ayaa iyaguna ku jira kuwa loo ogolaaday in ay Turkiga yimaadaan. Waxaan iyana ka marneyn dadka loo sameynayo ama lagu tallaalayo xubnaha sida kaliyaha iyo kuwa dhuuxa laga badalayo ama dhiigga iyo dhanka ilmo beerista.

Labo qof ka badan looma ogolaan doono in ay la socdaan bukaanada, waxaana dadka yimaada la marsiin doonaa baaritaan la xirira cudurka Crona iyada oo baaritaankana ay iyagu iska bixin doonaan qarashka.

Dadka aan laga helin kaliya ayaa loo ogolaan doonaa dalka Turkiga. Muwaadiniinta ka imaanaya dibadda waxaa la farayaa in ay baaritaanka sameeyaan 48 ka hor inta aysan dalka Turkiga soo aadin.

Bukaanada iyo dadka la socda ayaa la geyn doono isbitaalka meel kalena looma ogolaan doono.

Dadka doonaya in ay sababo caafimaad u yimaadaan Turkiga ayaa iska diiwaangalin doona Hey’adda u qaabilsan Turkiga bukaanada caalamiga, iyada oo marka si kumeel gaar ah loo aqbalo loo diri doono xaruumaha ay quseyso. Warqadaha loo baahanyahay heyadda ayaa caddeyn doonta.

SHARE