Hay’adda Dhinaca bani’aadanimada u qaabilsan dowladda Turkiga ee The Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) ayaa gargaar gaarsiisay dadka ay saamaysay fatahaadaha Wabiga Shabelle.
Afartan Tan oo raashiin mucaawino ah ayaa hay’adda TIKA iyo Bisha Cas ee dalka Turkiga waxaa ay garsiiyeen 1,000 qof oo ka mid ah qoysaska Fatahaadaha ay saameeyeen ee Ku nool gobalka Hiiraan.
Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar, iyo Isku duwaha mashaariicda hay’adda TIKA u qaabilsan magaalada Muqdisho Galip Yilmaz ayaa mucaawanadaasi qaybiyay taasi oo isugu jirtay Bariis, Sonkor, Bur, Saliid, Baasto iyo Caano.
Qiyaastii dad gaaraya 200,000 oo qof ayaa ka barakacay fatahaado Ku dhuftay magaalada B/Wayne oo qiyaastii 360 kiilomiitir (223 miles) u jirta magaalada Muqdisho.