Turkiga oo diyaaradii saddexaad ka soo riday Siiriya

647

Ciidamada Turkiga ayaa soo riday dayuurad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada dowlada Siiriya talaadadii koonfurta magaalada Idlib iyadoo magaalada istiraatiijiga ah ee ku taal waqooyi galbeed Syria ay qabsadeen ciidamada militariga madaxweyne Bashar al-Assad.

Waa duqeyntii saddexaad oo nooceeda ah oo kale ah muddo saddex maalmood gudahooda Turkigu fuliyo kaddib markii Turkey ay duqeeysay labo diyaaradood oo kale oo Siiriya ah maalintii Axada.

“Ciidamada taliska Turkiga waxay bartilmaameedsadeen mid ka mid ah diyaaradaheena dagaalka, taasoo horseeday inuu ku dhaco aagga waqooyi-galbeed ee Maarat al-Numan,” warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sidaas werisay.

Barta Twitter-ka, Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa xaqiijisay warkan, iyadoo leh “diyaarad L-39 ah oo ay leedahay dowladda Siiriya ayaa la soo riday”.