Dowladda Turkiga oo hormuud ka ah qaddiyadda Falastiin ee dunida Islaamka ayaa Ku dhawaaqday inay diyaar u tahay dhex-dhexaadinta Falastiin iyo Israel.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska ka sheegay in Xukuumadda Ankara, ay diyaar u tahay inay dhex dhexaadiso mushkiladda u dhaxaysa Falastiin iyo Israel.
Cavusoglu, ayaa sheegay in Ankara ay doonayso in Falastiiniinta iyo Israa’iiliinta ay ka caawiso sidii ay u gaari lahaayeen heshiis rasmi ah.
Wasiirka ayaa sheegay in xal u helidda arintaasi ay Ku jirto in la helo xalka labo dowladood (Two state solution) taasi oo la micno ah inay Falastiiniinta dowlad la’aanta ah ay helayan dowlad madaxbnaan oo xarunteeda tahay Barriga magaalada barakaysan ee Qudus.
Waxaa uu wasiirku intaa Ku daray in Xoghayaha arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Rex Tellerson uu kala hadlay arrimahan.
Inkastoo Falastiiniintu ay walaalahooda koowaad ay u arkaan Turkiga islamarkaana ay Ku aamini karaan qaddiyaddooda ayaa haddana aan la ogayn in ay arintan aqbali doonaan maamulka Middigta fog (Likud party) ee Israel kaasi oo uu hormuudka ka yahay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu oo gudaha Israel loogu yaqaano ” Bibi”.
Dowladda Turkiga ayaa barriga magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Falastiin, ka dib markii bishii hore madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump, uu Ku dhawaaqay in magaalada Qudus u aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel, go’aankaasi oo maamulka Trump waji gabax iyo go’doon galiyay marka laga hadlayo heerka caalamiga ah ee qaddiyadda magaalada Qudus.
Inkastoo arintaasi ay xiisad ka dhex abuurtay Israel iyo Dunida Islaamka ayaa haddana waxaa lagu waramayaa inuu sii socon doono xiriirka u dhaxeeya xukuumadaha Tel Aviv iyo Ankara.
Maamulka Falastiiniinta oo uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas Abuu Maasin ayaa sheegay in aysan ka qayb gali doonin wadahadal walba ee uu dhex-dhexaadiye ka tahay Washington, ayagoo Ku eedeeyay in Maraykanka uu u janjeero dhinaca Israel.
Falastiiniinta oo Ku raaxaysanaya taageerada quwado waa wayn oo ay ka mid yihiin Ruushka iyo boqortooyada Ingiriiska ayaa haddana dunida reer Galbeedka Kalsooni Ku qaba oo kali ah dowladda Faransiiska taasi oo Saaxada Caalamiga ah uu Ku soo ciliyay madaxwaynaha dhalinyarada ah ee dalkaasi Emmanuel Macron.