Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa diiday baaqa Mareykanka ee ku aadan xabad joojin deg deg ah waqooyiga Syria.
Hadalka Mr Erdogan ayaa yimid ka hor booqasho uu ku tagayo dalka Turkiga madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo X arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo.
Turkiga ayaa bilaabay duulaan ka dhan ah ciidamada Kurdiyiinta ee ku sugan Waqooyiga bariga Suuriya kadib markii xulafadooda ugu weyn, Mareykanka ay ka baxeen Gobolka.
Ruushka, oo taageeraya Suuriya, ayaa sheegay in ay ka hortageen isku dhacyada u dhexeeya ciidamada Turkiga iyo kuwa Suuriya oo hadda u dhaqaaqay aagga kadib heshiis ay la galeen ciidanka Kurdiyiinta.
Turkigu wuxuu u tixgalinayaa xubno ka tirsan Kurdiyiinta uu hogaamiyaan Syria Democratic Forces (SDF) in ay yihiin urur argagixiso waxayna rabaan in ay ka qabsadaan aagga xadka.
Ankara ayaa sidoo kale sheegtay in ay rabto in ay abuurto “aag nabdoon” oo gaarya 30km (20 mayl) gudaha Suuriya si ay u dejiso illaa laba milyan oo qaxooti Suuriya ah oo hadda ku sugan gudaha Turkiga.
Si kastaba ha noqotee, ciidamada Suuriya – oo ay taageerayaan Ruushka – ayaa ku sii dhawaadst Waqooyiga xadka Suuriya ee Turkiga usbuucaan kadib heshiis ay la galeen ciidanka Kurdiyiinta si ay isugu dayaan in ay hakiyeen howlgalka Turkiga.