Turkiga oo Diblumaasiyiin Sar sare oo Maraykan ah u yeeray

850

Dowladda Turkiga ayaa u yeertay diblumaasiyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka, si ay wax uga waydiiyaan hubaynta iyo Taageerada xukuumadda Washington ay siiso dagaalyahnada  Kurdiyiinta dalka Suuriya.

Wakaaladda wararka dalka Turkiga Anadolu News Agency ayaa Ku warantay in wasaaradda Difaaca Xukuumadda Ankara ay u yeertay diblumaasiyiin dowladda Maraykanka ka tirsan.

Waxaa wakaaladdu ay sheegtay in wax laga waydiinayay taageerada Maraykanka uu siiyo dayaalyanada Kurdiyiinta reer Suuriya.

Maraykanka iyo Turkiga oo ah baahwadaag caalami ah oo ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO ayaa Ku kala aragti duwan arrimaha dalkaasi Suuriya.

Maraykanka ayaa taageera dagaalyanada Kurdiyiinta dalka Suuriya halka Turkiga uu u arko mid ka dhan ah ammaankiisa Qaran.