Turkiga oo caddeymaha dilkii Jamal Khashoggi la wadaagay Sacuudiga iyo Mareykanka

70

Turkiga ayaa sheegtay in caddeymo maqal ah oo ku saabsan dilka Suxufigii Sucuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi ay la wadaagtay Mareykanka, UK, Sacuudiga iyo Faransiidka iyo Jarmalka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku celiyay sheegashadiisa ah in Sacuudi Carabiya ay ogtahay cidda dishay Jamal Khashoggi.

Khashoggi, oo ahaa qoraa, Suxufi aad u dhaliila xukunka Sacuudiga, ayaa lagu dhexdilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul 2-dii bisha Oktoobar.

Sacuudi Carabiya ayaa qirtay in Khashoggi lagu dhexdilay qunsuliyada, lakiinse beenisay in qoyska boqortooyada wax lug ah kulahaa.

SHARE