Turkiga oo aag ammaan ah ka sameynaya gudaha Suuriya

471

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in  dalkiisu uu aag amni ka sameysan doono waqooyiga dalka Suuriya sida uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa caddaalada iyo horumarka ayuu madaxweyne Erdogan sheegay in ay taleefoonka ku wada hadleen madaxweynaha Maraykanka ay isku afgarteen in Turkigu uu sameysto aag ammaan oo 32 km ah gudaha dalka Suuriya.

Labada madaxweyne ayaa isfaham ka gaaray khilaaf ka taagna sida ay noqoneyso xaaladda deegaanada ay ka baxayaan ciidanka Mareykanka.

Madaxweyhe Trump oo horay ugu hanjabay Turkiga ayaa xaaladda dajiyay, isaga oo war uu soo dhigay bartiisa twitterka ku xaqiijiyay hadalka madaxweyne Erdoga ee tilmaamayay in Turkigu uu aag amni ka sameysanyo gudaha dalka Suuriya

Mareykanka iyo Turkiga ayaa si weyn iskgu diidanaa arrinta la xiriirta Suuriya, iyada oo Mareykankuna uu ka cago jiidayay in uu mowqif ka qaato.

Labada dal ee wada tirsan isbaheysiga Nato ayaa hadda u muuqaneysa in ay arrintaas ay ka gaareen heshiis u muuqda in uu Turkiga u ogolaanayo wax ay muddoba dooneysay.

Turkiga waxa cabsi weyn ku haya kooxda Mareykankub taageero ee YPG oo ay u arkaan qayb ka mid ah kooxda dagaalka kula jirta dowladda Turkiga ee PKK.

SHARE