Ciidamada Ruushka iyo Turkiga oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa roondadii ugu horreysay ka sameyay gobolka Waqooyi Bari Suuriya halkaas oo laga saaray ciidankii kooxda Kurdishka YPG kaddib heshiis dhexmaray labada dhinac.
Turkiga iyo maleyshiyaad Suuriyaan ah oo xulafo la ah ayaa duulaan ay qaadeen 9kii October waxay dhul gaaraya 120 Km oo gudaha Suuriya kala wareegeen kooxda Kurdishka ee YPG.
Ruushka iyo Turkiga ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku heshiiyay in kooxda YPG ay baneyso 30 KM oo gudaha dalka Suuriya ah. Dhulkaas oo u dhow xuduudda Turkiga ayaa la doonayaa in la dejiyo qaxootiga reer Suuriya.
Gaadiidka gaashaaman ee Turkiga ayaa xuduudda dhanka kale uga tallaabay sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters, iyaga oo afar saac kaddib markii ay roondo la sameeyeen ciidanka Ruushka kusoo noqday dalkooda.
Ciidanka Cirka iyo kuwa dhulka ayaa la sheegay in ay ka qayb qaateen roondada deegaanka Darabsiya ee dalka Suuriya.Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa barta twitterka ku faafisay masawirada muujinaya ciidanka Turkiga oo khariirad eegaya iyo afar gaadiidka gaashaaman ah.
Madaxweyne Erdogan ayaa arbacadii sheegay in uu hayo xog tilmaameysa in kooxda YPG oo Turkigu argagixiso ku arko aysan xiriirka ay la leedahay kooxda PKK aysan si dhameystiran uga wada bixin deegaanadii ay ahayd in ay ka baxdo.
Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa sheegtay in ay 18 askari oo ka tirsan ciidanka dawladda Suuriya oo lagu qabtay hawlgal ka dhacay Ras Al Ain ay ku wareejiyeen ciidanka Ruushka.
Madaxweyne Erdogan ayaa sida uu qorshuhu yahay waxa uu doonayaa in uu deegaan nabadgalyo ah oo la dajiyo qaxootiga Suuriya ee gaaraya 3.5 ka sameeyo gudaha dalka Suuriya.
Deegaankaas oo ay ku baxaeyso lacag gaareeysa 26 Billion oo dollar ayuu sheegay Madaxweyne Erdogan in la weydiisan doono xoghayaha Qaramada Midoobay in la iskugu yeero kulan degdeg ah oo yabooh loogu sameynayo.
Xogyaha Qaramada Midoobay Antonio Guatres ayaa sida uu sheegay afhayeenkiisa Farhan Haq waxa uu faray hey’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR in ay arrinta kala hadasho masuuliyiinta Turkiga.

























