Cod bixinta doorashada Madaxtinimo iyo midda Baarlamaaniga dalka Turkiga ayaa soo xirantay 5-tii galabnimo ee maanta oo Axada oo ah.
Waxaana codkooda dhiibtay 56 Milyan oo Turki ah, waxaana sida uu xaqiijiyey gudiga doorashooyinka dalka Turkiga.
Dadka ayaa codadkooda ka dhiibtay deegaan doorashooyinka guud ee ku kala yaala 81-da Gobal oo uu ka kooban yahay dalkaasi Turkiga.
Guud ahaan xarumaha codbixinta laga dhiibanayo ayaa la sheegayaa inay tiradoodu gaarayso 180,000 (Boqol iyo Siddeetan kun) oo xarumood kuwasi oo ammaankooda aad loo ilaaliyay.
Waxaa sidoo kale cododkooda la tirinayaa dadka Turkida ee codkooda ka dhiibtay 7-dii bishan June, 60 dal oo uu Turkiga 123 safarado iyo Qunsuliyad uu ku leeyahay.
Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay cod bixiye-yaal sita warqada aan sax ahayn, iyo ajaaniib fara-gelin ku hayey doorashada oo sheegtay in ay yihiin kormeerayaal.
Doorashadan waxaa ku tartamayaa 6 musharax oo mida ay talhay gabar iyo hogaamiyaha talada haya ee Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Wararka deg degga ah oo haatan soo gaaraya warbaahinta Ummadda Media, ayaa waxaa ay sheegayaan in kala bar codadka doorashada madaxtinimada la tiriyay.
Ayadoo kala bar codadkaasi la tiriyay natiijadooduna ay tilmaamayso in madaxwaynaha talada haya Raccep Tayyip Erdogan oo ka sharaxan xisbiga talada haya ee Justice and Development Party (AK Party) uu hogaanka qabtay isagoo 56.5% codadka ilaa iyo haatan la tiriyay Ku hogaaminaya.
Xisbiga AK Party, ayaa loolan adag kala kulmaya musharaxa sida wayn usoo ololeeyay ee ka sharxan xisbiga Republican People’s Party (CHP), kaasi oo la yirahdo Muharrem Ince.
Madaxwaynaha talada haya ayaa rajaynaya in uu doorashadan guul kaga gaaro wareegga koowad si uu kaga badbaado in wareegga labaad ay Ku goobtaan xisbiyada Ku midoobay ka hortagga inuu xilka Ku guulaysto.
Madaxwayne Erdogan ayaa doorashadan waqtigeeda ka hormariyay 19 bilood ka hor xiliga qorshuhu ahayd in la qabto.
Falanqeeyaasha Siyaasadda ee dalalka reer Galbeedka ayaa tallaabada Erdogan Ku tilmaamay inay tahay ciyaar kama dambays ah oo diqiiqaddii ugu dambaysay uu Erdogan Gool iska dhaliyay ama si kale haddii aan u dhigno Otareeto (Own Goal) iska dhaliyay.