Turkey: Saraakiil ciidan oo iscasilay

425

Shan jeneraal oo ka tirsan ciidanka dalka Turkiga ayaa gudbiyay iscasilaadooda kaddib kulanka golaha ciidanka dalka Turkiga ay yeesheen horraantii bisha Agoosto sidaas waxaa ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay wargeyska dhanka mucaaradka Turkiga u janjeera ee  Cumhuriyet.

Golaha sare ee miltariga dalka Turkiga ayaa waxa ay shir uu guddoominayay Madaxweyne Erdogan yeesheen horraantii bisha Agoosto. Shirka ayaa looga hadlayay arrimo la xiriira dallacsiinta, ceyrinta iyo kala meeleeynta saraakiisha sarsare ee ciidanka Turkiga.

Iscasilaadda  hal jeneraal oo sarreeye gaas ah iyo afar sarreeye guuto ayaa la sheegay in sababtay saluug ay ciidanka ka qabaan dhimis la sheegay in lagu sameynayo sida uu sheegay sarkaal hawlgab ah oo ka tirsan ciidanka Turkiga.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca Turkiga oo al xiriirta warka uu baahiyay wargeyska dhanka mucaaradka u janjeera ee Camhuriyet ee ka soo baxa dalka Turkiga.

Labo ka mid saraakiisha iscasilay ayaa wargeyska Camhuriyet waxa uu ku warramay in ay ahaayeen saraakiisha Turkiga u qaabilsan gobolka Idlib ee dalka Suuriya halkaas oo ay ku suganyihiin ciidanka Turkiga.

SHARE