Tunisia oo joojisay duulimaadyada diyaaradda Emirates

1175
The move came after Tunisian women were blocked from boarding their flights to Dubai [Reuters/Jumana El-Heloueh]

Tuniisiya ayaa joojisay duulimaadka diyaaradda Emiraatka, kadib markii ay shacabka Tuniisiya caro ka muujiyeen tillaabooyin ammaan oo si gaar ah u bartilmaamedsanayay haweenka u dhashay dalka Tuniisiya.

Wasaaradda gaadiidka Tunisiiya ayaa sheegtay  in ay  go,aansatay joojinta duulimaadka  diyaarada Emiraatiya ee dalka Tuniisiya,ilaa iyo inta  diyaarada Emiraatku ay xal waafaqsan sharciga caalamiga u heleyso duulimaadkeeda.

Dumar badan oo Tunisiyaan ah ayaa sheegay in duulimaadyadooda Imaaraatka la daahiyay, qaar kalena waxay sheegeen in la marsiiyay baaritaano dheeri ah oo dhinaca visada ah.Arrintaan ayaa keentay falcelin carro leh dhinaca baraha bulshada

Dhinaca kale, dawladda Imaaraatka ayaa waxay sheegtay in xog amni oo la helay ay sababtay in dumarku ay ka daahaan raacida diyaarad u socotay Khaliijka.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Imaaraatka ayaa bartiisa Twitter ku qoray in  arrinta sababtay falkaan ay kala hadlaan laamaha amniga Tuniisiya ayna xushmad u hayaan dumarka Tuniisiya.

Dawladda Tunisiiya oo aad uga carootay ayaa dhinaceeda u yeertay safiirka Imaaraatka iyaga oo ka dalbaday in uu sharaxaad ka bixiyo waxa dhacay.

Tuniisiya ayaa sanadahaan isku dayeeysay in ay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraatka oo horay u xumaaday, ka gadaal kacdoonkii Carabta.Tuniisiya waxaa sidoo kale xiriirka sii xumeeyay markii ay xukunka qabteen xisbiga islaamiga Alnahda oo xiriir dhaw la leh Qadar.