Trump: ‘warbixin buuxda’ oo ku saabsan dilka Khashoggi ayaan sii deyn doonaa maalmaha soo socda

396
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in maalmaha soo socda maamulkiisu sii deyn doono warbixin buuxda oo ku saabsan dilka Jamal Khashoggi. Sawirka: EPA

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in maamulkiisa uu sii deyn doono warbixin buuxda labada maalmood ee soo socota ee ku saabsan Dhimashada weriyaha Sacuudiga u dhashay ee Jamaal Khashoggi.

Trump ayaa warfidiyeennada u sheegay Sabtidii in warbixinta jiri doonto macluumaadka ku saabsan “cidda sameysay dilka”.

“Waxaan heli doonaa warbixin buuxda labada maalmood ee soo socda, malaha Isniinta ama Talaadada,” ayuu yiri Trump.

Jamal Khashoggi ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga 2-dii Oktoobar kadib markii uu halkaas u aaday si uu u helo dokumentiyada ku saabsan guurkiisa, laakiin halka uu weli uu ku sugan yahay maydkiisa lama yaqaan.

Laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa ku eedeeysay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, inuu bixiyay amarka dilka Khashoggi, sida ay qortay warbaahinta Mareykanka.

SHARE