Trump: Waa Macquul inuu dhaco shirka Singapore

93

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in kulankii uu baajiyey ee uu la yeelan lahaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi qabsoomi karko 12-ka Juun.

“waynu arki doonaa waxa dhaca. Wuu dhici karaa kulankaasi 12-ka Juun. Waanu la xidhiidhaynaa imika oo iyaguna kulankaa aad bay u doonayaan sida aan anaguba u doonayno inuu qabsoomo”. Ayuu yiri Madaxweyne Trump isagoo la hadlayay warfidiyeenka.

Khamiistii ayuu ku eedeeyey hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi “cadaawad cad oo u u qabo dalkiisa, taasna uu sabab uga dhigay baajinta kulankii uu la yeelan lahaa Kim Jong-un.

Hogaamiyaha  Kuuriyada Waqooyi , ayaa isna markii dambe sheegay in uu danaynayo in uu wada xaajood la yeesho Trump “goorta ay doonto iyo sida uu doonoba ha noqdee”.

Wasiir ku xigeenka Kuuriyada Woqooyi, Kim Kye-gwan, ayaa sheegay in go’aanka Trump ku baajiyey kulanki qorshaysnaa uu yahay arrin “aad looga murugoodo”.

Shir madaxeedka oo la filayey inuu ka dhaco dalka Singapore ayaa noqon lahaa kulankii ugu horeeyey ee madaxweyne Maraykan ah oo xilka haya fool ka fool u hor fadhiisto hogaamiyahe Kuuriyada Waqooyi ah.

Go’aanka Trump waxa uu soo baxay saacado uun ka dib markii Kuuriyada Waqooyi sheegtay in ay dumisay goobtii ay ku tijaabin jirtay hubka Nuyuukleerka, arrintaas oo loo arkay in ay ahayd farriin waddada u xaaraaysa shir madaxeedkaa haantan la baajiyey ee ka dhici lahaa dalka Singapore.

SHARE