Trump: U Malayn maayo in waligeed Nabad ay ka dhalan doonto Barriga Dhexe

1025
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump (Middig) Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu (Biddix) Khamiis/ 25/01/2018/ (BBC)

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa shaki galiyay in ay nabad ka dhex dhalato Falastiiniinta iyo Israa’iiliinta.

Madaxwayne Trump, oo ka mid ah hogaamiyaasha Caalamka ee shirka dhaqaalaha Adduunka (the World Economic Forum) kaga qayb galaya magaalada Davos ee dalka Switzerland ayaa maanta oo khamiis ah waxaa ka soo yeeray hadal kale oo caqabad Ku ah nabadda Gobalka rabshadaha 100 sano jirsaday ay ka jiraan ee Barriga Dhexe.

Trump, oo looga bartay Ku hadalka hadalo ka baxsan mabaadi’da Diblumaasiyadda ayaa markan waxaa uu sheegay in uu qabo fikir ah in Abad wax nabad ah aan ka dhalan doonin Barriga Dhexe, isaga oo ka hadlayay Collaadda u dhaxaysa dadka Qaran la’aantu ay hayso ee reer Falastiin iyo maamulka Maraykanka uu naas-nuujiyo ee Israel.

In nabad ay ka dhalan wayso Barriga Dhexe ayuu Mr. Trump waxaa uu Ku eedeeyay maamulka Falastiiniinta ee uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas Abuu Maazin.

” Falastiiniintu waxaa ay caqabad Ku yihiin arrimaha Nabadda Barriga Dhexe, ayagoo ka banaanbaxaya go’aankaygii aan Ku aqoonsaday Magaalada Qudus, mana u malaynaayo in waligeed nabad ay ka dhalan doonto Barriga Dhexe” ayuu yiri madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump.

” Maraykanka waxaa uu Falastiiniinta ka  mudnaa Xushmo wayn taasi oo aan ka waynay . Haddii Qaddarintii iyo xushmaddii aan mudnayn aan waynay ma samayn doono wax dheeraad ah oo ka badan intaan qabanay” Trump ayaa sidaasi sheegay.

Waxaa uu intaa Ku daray in markan Caqabadda Nabadda ay ka jirto dhinaca Falastiin.

Trump oo uu ag-fadhiyo ra’iisul wasaaraha Israel kana soo jeeda xisbiga middigta fog ee Israa’iiliinta (Likud party) ee Benjamin Natanyahu, oo  ‘BIBI’ loo yaqaano ayaa  Trump, waxaa uu sheegay in Maraykanka waligiis uu ahaan doono saaxibka Israel islamarkaana taageero ay la garab taagnaan doonaan.

Madaxwaynaha maamulka Falastiiniinta Maxamuud Cabaas Abuu Maazin, ayaa sheegay in Maraykanka uu lumiyay haykalka dhex-dhexaadnimo ee  waanwaanta nabadeed ee Falastiin iyo Israel.

Mar uu ka hadlayay haddii ay ka qayb galayaan waan-waan uu Maraykanka garwadeen ka yahay iyo haddii kale ayuu Mr. Cabaas waxaa uu sheegay in marnaba waan waan Maraykanka uu dhexdhexaad ka yahay aanu ka qayb gali doonin.

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa bishii December ee sanadkii 25 maalmood ka hor naga dhamaaday ee 2017-kii magaalada barakaysan ee  Qudus u aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel, go’aankaasi oo bulshada caalamka ay diiday.

Madaxwaynaha Falastiiniinta ayaa go’aankaasi Ku tilmaamay ” Dharbaaxadii Qarniga”.

Trump, oo ah ganacsade guulaystay ayaa shaki la galinayay maamulkiisa inta aanu xilka Ku guulaysan ka hor ayaa waxaa dadka  siyaasadda ka faalooda  ay sheegeen in maamulkiisa uusan waxba ka aqoon Siyaasadda arrimaha dibadda.

Maraykanka oo ah dal ay Ku nool yihiin bulshada ugu badan ee haysta madhabta Kaatooliga (Catholic) ayaa boqolkiisa 70 waxaa la sheegay inaanu taageersanayn go’aanka Trump.

Bulshada Maraykanka ayaa Trump u arka madaxwayne dalkooda siyaasad ahaan ka  go’doomiyay caalamka intiisa kale.

SHARE