
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa daqiiqadihii u danbeeyay si lama filaan ah uga baajiyay xog-hayihiisa arrimaha dibadda Mike Pompeo safar uu ku tagi lahaa maalinta jimcadda dalka waqooyiga Kuuriya.
Sababta Madaxweyne Trump u baajiyay kulanka ayaa lagu sheegay gaabis ku yimid dhaqangalintii heshiiskii bishi june 12keedi ku dhex maray Madaxweyne Trump iyo Madaxweynaha waqooyiga Kuuriya dalka Singapore.
Heshiiskaas oo dhigayay in Waqooyiga Kuuriya ay gabi ahaanba burburiso Nukliyeerkeeda ayaan waxba ka soo bixin tan iyo intii la saxiixay.Maraykanka ayaa eedda dusha uga tuuray dalka Shiinaha, iyada oo madaxweyne Trump uu sheegay in wada hadalada hakid la galin doono ilaa iyo inta Maraykanku uu xal ka gaarayo dagaalka dhaqaale ee Shiinaha kala dhaxeeya.
Isbadalkaan degdeg ah ayaa imaanaya iyada oo Madaxweyne Trump uu horay u ammaanay heshiiskii 12ka bisha Juun ee u dhaxeeyay Maraykanka iyo Waqooyiga Kuuriya.Laakiin falanqeeyaal siyaasadeed ayaa qaba in dagaalka qaraar ee dhinaca dhaqaalaha ee Shiinaha uu sabab u noqday hormar laga gaari waayo wada hadalada Nukliyeerka.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfurta Kuuriya oo taleefoonka kula hadlay xogahayaha arrimaha dibadda ayaa walaac ka muujiyay booqashada la baajiyay, isaga oo soo jeediyay in la sii wado wada xaaajoodka looga golleeyahay sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa jaziiradda Kuuriya.
Madaxweyne trump ayaa tilmaamay in inkasta oo wada hadaladii uu hakad galiyay, haddana ay albaabadiisu u faranyihin wada xaajood kale ee dhexmara Waqooyiga Kuuriya iyo Maraykanka.