Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu yeeray hey’adaha sirdoonka Mareykanka ” in aysan waxba kala ka ogayn marka laga hadlaayo khatarta dalka” Iran isagoo sidoo kale ku gacansaray qiimeyntooda ku aaddan khatarta uga imaanaysa Kuuriyada Waqooyi.
“Ka digtoonaada Iran, waxaaba laga yaabaa in sirdoonku ay tahay in ay dib ugu laabtaan iskuulka ama dugsiga!” Ayuu Mr Trump ku byiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
….a source of potential danger and conflict. They are testing Rockets (last week) and more, and are coming very close to the edge. There economy is now crashing, which is the only thing holding them back. Be careful of Iran. Perhaps Intelligence should go back to school!
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) January 30, 2019
Jawaabta baaritaankaan ayaa timid kadib markii xogta sirdoonka Mareykanka ay sheegtay in Iran aysan samayn hubka nukliyeerka ah.
Waxa kale oo ay warbixinta qiimanyta ay sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay sii waday “uma badna in ay ka baxdo” hubkeeda kaydka iyo wax soo saarka Nukliyeerka.
Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka Dan Coats iyo taliyeyaasha kale ee sirdoonka ayaa u soo bandhigay warbixinta Qiimaynta Khatarta Adduunka ee loo yaqaan Aqalka Senate-ka Talaadadii.
Mr Trump ayaa sidoo kale bilaabay dadaal diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xiriirka ka dhaxeeya Kuuriyadda Waqooyi, isaga oo kula kulmay hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un dalka Singapore bishii June ee la soo dhaafay si uu uga wada xaajoodo baabi’inta hubka Nuyukleerka ee gacanka Kuuriyada.
Waqtigaas, Mr Trump ayaa sheegay in kulankan uu soo afjaray khatarta nukliyeerka ee Kuuriyadda Waqooyi- taasi oo ay su’aal geliyeen siyaasiyiin iyo khubaro Mareykan ah.
Warbixinta sirdoonka Mareykanku waxay sidoo kale ka digtay in khataraha internetka ee ka imanaya Shiinaha iyo Ruushku ay ahaayeen kuwo walaac sii kordhaya, labada dalba waxay raadinayaan inay saameyn ku yeeshaan doorashooyinka madaxweynenimada Mareykanka ee sannadka 2020.