Trump oo Turkiga ugu hanjabay burburin dhaqaale haddii uu fashilmo kulanka Pence iyo Erdogan

583
Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay wadahadladii nabada ee la qorsheeyay inuu la yeesho kooxada Taliban ee dalka Afganistan. Sawirka/AP

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku hanjabay in burburin xoog leh oo ay u geysan doonaan Turkiga haddii ui fashil ku dhammaado kulanka lagu wado in uu dhexmaro Madaxweynaha Turkiga Ergada ay hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence.

Isaga oo ka hadlayay shar wadajir ay u qabteen Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Matarella ayuu Madaxweyne Trump sheegay in in ay wanaagsantahay kulanka Khamiista dhacaya in ay ka soo baxaan heshiis haddii kale waxay Turkiga wajahi doontaa cunoqabayeyn iyo canshuur taas oo burburin doonta dhaqaalaha Turkiga.

Wadahadalada qabsoomidooda ayaa in badan shaki ku jiray iyada oo Madaxweyne Erdogan uu horay sheegay in aysan ka qayb qaadan wadahadal aan dhexmareyn isaga iyo Trump, hayeeshe Madaxweyne Erdogan ayaa bedalay aragtidiisa oo sheegay in ay la kulmayaan Madaxweyne ku xigeenka iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pence iyo Mike Pompeo.

Mareykanka iyo Turkiga ayaa xiriirkooda mugdi soo galay kaddib markii Turkigu ku adkeystay in aag nabadgalyo ah ka sameynayaan gudaha Suuriya.Aaggaas ayaa noqonaya soddon Km oo gudaha Suuriya ah

Mareykanka oo ciidankii ka joogay kala baxay ayaaTurkiga uga digay in ay weeraraan Kurdishka oo Turkigu u arko argagixiso khatar ku ah amniga Mareykanka.