Trump oo taageeray in wadahadal lagu xalliyo muranka Wabiga Niil

58

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa taageeray in muranka ka dashay biyo xireenka Itoobiya dhiseyso oo u dhaxeeya Masar,Suudaan iyo Itoobiya lagu xalliyo wadahadal Aqalka Cad ayaa sidaas ku sheegay war qoraal oo ka soo baxay.

Madaxweyne Trump ayaa taageerada ku muujiyay wicitaan qadka taleefoonka ku dhexmaray Madaxweynaha Masar Cabdi Fataax Alsiisi.

Madaxweyne ayaa si weyn u taageeray wadahalada looga gol leeyahay in lagu gaaro wadashaqeyn ku saabsan biyo xireenka Itoobiya dhiseyso oo dhexmara Masar,Suudaan iyo Itoobiya.

Madaxweyne Siisi ayaa baraha bulshada kusoo dhaweeyay hadalka Trump oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid kaalin ka qaadan karo xallinta khilaafka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sheegay in ay ka qaybgalayaan kulan sadax geesood ah oo Maraykanku garwadeyn ka yahay oo 6da bisha November ka dhici doona Washington. Kulankaas ayaa la doonaya in lagu xalliyo ismariwaaga u dhaxeeya dhinacyada isku haya biyaha wabiga Niil.

Itoobiya ayaa horay uga cagojiideysay ka qaybgalka wadahalka iyada oo taa badalkeeda doorbideysay in dhinacyadu is xalliyaan.

Ra’iisul wasaare Abiy oo dhawaan ku guuleystay billadda Nabadda ayaa dhawaan sheegay in ay Malyuumaad qof diyaar u yihiin haddii ay gaarto in lagu dagaalamo wabiga Niil. Abiy ayaa se sheegay in wadaxaajoodka uu yahay habka ugu wanaagsan ee lagu xallin karo khilaafka u dhaxeeya dhinacyada isku haya wabiga Niil.

Masar ayaa cabsi weyn ka qabta dhismaha biyo xireenka oo ay u aragto in uu dhimayo biyaha soo gaara Masar.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Sami Shukri ayaa hadalka ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Itoobiya , Suudaan iyo Masar ayaa inbadan isku hayay sida loo qaybsanayo biyaha wabiga Niil, waxaana heshiisyo hore oo jiray ay Itoobiya iyo Suudaan u arkaan mid aan sharci ahayn oo Masar siinaya wax aysan xaq u lahayn.

SHARE