Trump oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay xuska koowda Luulyo

760

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta Xorriyadda wadanka ee 1-da Luulyo.

Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka , ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka  waxaan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda.

Dowladda Mareykanka waxaa ay naawileysaa in ay  jaar la ahaato shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya si ay u gaaraan mustaqbal ifaya.

“Ka wada shaqeynta dhismaha deganaansho, nabad iyo barwaaqo in Soomaaliya u hesho waa danta labada qaran, waana sii wadaynaa taageerada dhabihii arrintaas lagu gaari lahaa”. ayaa lagu soo gabegebeeyay qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Qoraalka oo ahaa fariin toos ah oo madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo uu usoo diray madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo waxaana lagu daabacay website-ka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Mareykanka.